dhalaashan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-naa, -nayd)Wax la dhalaalshay ahaansho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhalaashan ↴
laaf [m.dh] (-ooyin, m.l)
(jool.) Dhadhaab dhalaashan ama magma oo ka soo burqanaysa dhulka gudihiisa oo soo gaarta dhulka dushiisa, taas oo ka soo baxda karaytarka folkaanaha ama jeex-jeex dhulka dushiisa ah. Dhulka dushiisa laafadu si dhaqso leh ayay ugu adkaataa marka loo eego dhaqsaha adkaashadeeda ee dhulka gudihiisa.
maagma [m.dh] (-ooyin, m.l)
(jool.) Walax dhalaashan oo laga helo hoosta dhadhaabada adag ee qolofta dhulka, mararka qaarkoodna waaxa la arkaa marka ay folkanaha ka soo baxayso.
dhadhaab-shiileed [m.l] (-dyo, m.dh)
(jool.) Dhagxaan ka timid magma dhalaashan oo adkaatay, waana mid ka mid ah saddexda nooc ee dhadhaabaha ee qolofka dhulku ay ka koobantahay.
dhalaashanaan [m.f.dh]
eeg dhalaashan. ld dhalaashanaansho.
dhalaashanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld dhalaashanaan.
folkaano [m.dh] (-ooyin, m.l)
(jool.) Dhul qaab toobineed leh oo ku yaal oogada dhulka oo ay samaysay maagma xoog ugu soo baxay oogada dhulka; dhadhaab dhalaashan, ama laarfa, ayaa ugu dambeynta soo baxa, oo marmarka qaarkood leh qarax xoog leh, burbur dhadhaabeed iyo dambas ayaana hawada u baxa. Soo bixidda laarfaha, ama qaraxyada ayaa inta badan ka dhiga f. ney yeelato qaabka kur-toobineed ama buur, kaddibna si tartiib ah ayay dhismayaal u sameeyaan waxyaalihii soo baxay, kasoo si aadna u qaro weyn uguna tuulma hareeraha daloolka. F.oyinka sida badan badaha agtooda ayay ku suganyihiin. Folkaanku wuxuu noqon karaa: mid nool, mid hurda ama mid aan noolaynba oon dib dambe u qarxaynin.
iskayl heerkul [m.l] (-llo ..., m.dh)
(fiis.) Susunka qiimayaasha ee u taagan heerkul. Susunka noocani ah waxa la helaa, sida badan, in la doorto labo barood oo maguuraan ah; taas oo inta u dhexeyso loo qaybiyo qayb-hoosaadyo ku salaysan hab laysku raacay. Tusaale ahaan iskaylka Selsiyas waxa uu leeyahay 9 qaybood oo u dhexeeya (0° C) barta dhalaashanka ee biyaha iyo (100° C) oo ah barta karka ee biyaha.
iskudhis-giraansan [m.l] (-syo ..., m.dh)
(kiim.) Molikuyuul atammadiisu yihiin qool xiran, sida bensiin ama saykaloohegsayn. Marka laba giraamood u xiriirsamaan hab ay wadaagaan laba atam, waxa ay noqdaan giraan dhalaashan. Naaftaliin waxa ay tusaale u tahay iskudhis giraan dhalaashan.
kubram [m.l]
(kiim.) Curiye kalaguur ah, midabkiisu yahay baroor-cas, summad-diisuna tahay Cu. Tiro atamkiisu waa 29, cuf atamkiisu waa 63.546. Bar dhalaashan-kiisu waa 1083.4° C.