dhardhaar
(m.l) (-rro, m.dh)

1. Dhagxaanta dabka ku wareegsan oo dheriga wax lagu karinayo la korsaaro midkood. 2. Dhagax weyn oo la qaadi karo. 3. ld dhardhaarid. ld dhadhaar¹.

dhardhaar
(m.dh)

Naxash.

dhardhaar
(m.dh) (-rro, m.dh)

(xis.) Weedh ama hawraar loo qaatay run iyada oo aan la caddeyn, taas oo laga sii diiri karo weedho ama aragtiyo kale. Marka xisaabi la caddeynayo dhadhaarradu badanaaba waxa ay yihiin qaacidooyin la yaqaan oo sidooda loo qaato, maxaa yeelay caddeyntooda ayaa hore loo dhisay.

dhardhaar
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-ray, -rtay)

Weel wax lagu karinayo dhagxaan u dhigid. ld dhadhaar².

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhardhaar

dambasyaal [m.l] (-llo, m.dh)
1. D. ah: dhagax weyn oo dhardhaar laga dhigto. 2. Qori weyn, qallalan oo muddo badan la shidan karo.

dhadhaar [m.l]
ld dhardhaar¹.

dhadhaar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
ld dhardhaar4.

dhadhaarad [m.l]
ld dhardhaarasho.

dhadhaaran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
ld dhardhaaran.

dhadhaarasho [m.dh]
ld dhardhaarasho.

dhadhaarid [m.dh]
ld dhardhaarid.

dhadhaarnaan [m.dh]
ld dhardhaarnaan.

dhadhaarnaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld dhardhaarnaan.

dhadhaaro [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-rtay, -ratay)
ld dhardhaaro.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg