dheelli
(m.l)1. Dhinac u badashada wax culayskiisu dhan u bato oo uu dheellitirankii lumiyo. 2. ld dheelliyid.
dheelli
(Fal Magudbe1/2 | Verb Intransitive1/2) (-iyay, -iday/isay; -iyi)Wax culayskiisa dhinac u badasho..
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dheelli ↴
caddil [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ilay, -ishay)
1. Fal dhici lahaa ka daahid iyadoo cid loo eersanayo. 2. Isu c.: wax isu dheelli tirid.
cammir [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Dukaan, badeeco badan dhigid. 2. Shaah, sonkor, caleen, qoroful, hayl iwm isu dheellitirid.
cuddoon [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax qaabkiisu isu dheellitiranyahay ahaansho.
dheellila'aan [m.dh]
Dheellitir; dheelli la'ahaanshada.
dheellin [m.dh]
ld dheelliyid.
dheellis [m.l]
ld dheelliyid.
dheellitir [m.l]
1. Isle'ekeysiinta culayska saaran wax labadiisa dhinac. 2. Isle'ekeysiinta xisaab labadeeda dhinac. 3. ld dheellitirid.
dheellitir [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Xisaab labadeeda dhinac isle'ekeysiin.