dheer
(m.dh)Siil.
dheer
(f.g/mg4) (-raa, -rayd; dhaadheer)1. (f.mg) Wax aan jooggiisu gaabnayn ahaansho. 2. (f.mg) Wax meel fog ku sugan ahaansho. 3. (f.mg) Waqti muddo la sugayo ama la soo dhaafay ahaansho. 4. (f.g) Is dh.: isla mid ahaansho, kisi ahaansho (nambar).
Geel dhalaan qaaday ma dheera.*
* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.
Dheeraadsiin*
waa darajo sare oo dhaqan wanaagsan ah oo Allah ku galadaysto qof: Fadiilo
* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dheer ↴
aadaan [m.l]
1. Ogeysiin cod dheer leh oo mu'addinku ugu yeero muslimiinta waqtiyada salaadda.
2. Ci' dheer oo neef riyo ahi uu sameeyo marka uu xanuunsado. ld aadaamid, aaddan¹, eedaan¹. aadaamid, aaddan, eedaan
aadaan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-aamay, -aantay)
1. Cod dheer ugu yeerid muslimiinta waqtiyada salaadda.
2. Kor u qaylin neef riyo ah xanuun dartiis. ld aaddan², eedaan². aaddan, eedaan
ebinefiriin [m.l] (baay.)
Hormoon uu soo daayo medullaha qanjidh kelyoodku, kaas oo kordhiya garacaa wadnaha, kor u qaada awoodda iyo dheeraynta dhaqdhaqaaqa
muruqyada iyo kordhinta dhaqsaha iyo
qotada neefsiga, si uu ugu diyaariyo jidhka cabsi, orod ama dagaal. Waxa kale oo uu joojiyaa dheefshiidka iyo qashinsaarka.
faa [m.dh (c.nafl.)]
Shimbir yar oo dhoor iyo daba dheer leh oo qoollayda in yar ka weyn.
gaab [m.l]
Qof ama wax dheererkiisu gaabanyahay.
gaaban [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-bnaa, -bnayd)
Wax aan joog dheer lahayn ahaansho.
gaabbaguul [m.l]
U habeendhixidda meel dheer oo geeddi loo yahay.
gaabbaguul [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-uulay, -uushay)
Meel dheer oo geeddi loo yahay u-habeendhixid.
gaabi [m.dh]
Qiyaas dheerer oo intii laga rabay
ka gaaban.
gaabi [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-iyay, -isay)
1. (f.g) Wax dheeraa wax ka dhimid. 2. (f.mg) Aayar u socosho.