dhiillo
(m.dh) (-ooyin, m.l)1. Colaad iyo dhibaato. 2. Welwel iyo cabsi.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhiillo ↴
dhiillaysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
Cid dhiillo gashay ahaansho.
dhiilloo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
Dhilloo dareemid.
dhiillood [Magac Fal Lab | Noun Verb Masculine]
eeg dhiilloo.
feeyig [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-gaa, -gayd)
1. Wax digtoon ahaansho. 2. Wax dhiillo hayso ahaansho. ld feejig, feejigan, feeyigan, foojig, foojigan.
guluf [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-lfay, -luftay; -lfi)
1. Koox yar oo fardooley ah dagaal aadid. 2. Orod aan xawli ahayn waqti coolad iyo dhiillo jirto samayn.
qayladdir [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
U q.: war dhiillo leh cid u geyn.
qayladdoon [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
Q. ah: cid meel dhiillo ka dhacday meel kale uga doona gargaar.
qayladdoon [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-nay, -ntay)
Meel dhiillo ka dhacday meel kale gargaar uga doonid.
qayladhawr [m.l]
Q. ah: qof ama ka badan oo diyaar u ah dhiillo laga filayo wax ka qabashadeeda.