dhiin
(m.l)

1. Dheecaan yar, layiig ah, oo ka yimaadda miraha, geedaha, nabarrada iwm 2. Midab aad u guduudan.

dhiin
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-iimay, -iintay; -iimi)

Miro, geedo, nabar iwm dheecaan ka soo bixid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhiin

maadhiin [m.l] (-nno, m.dh)
Bunduq xabbad-keliyaale ah oo waayadii hore la isticmaali jiray.

xagar [m.l]
Geed leh dhiin badan.

aayodhiin [m.l]
(kiim.) Curiye adke ah oo bida midabkiisuna yahay buluug madow kana tirsan haloojiinada (ururka VII ee tusaha kalgalka curiyayaasha).

alaab caydhiin [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective] (-bo ..., m.l)
1. Walax ama shay dabiici ah oo aan gelin weli warshado ama aan la farsamayn. 2. Alaab ay isticmaalaan warshaduhu si ay u farsamotumaan uguna beddelaan alaab la isticmaali karo; alaabta caydhiin waxaa qayb ahaan ka mid ah alaab farsamotuman, oo ay ka mid yihiin looxa jarjaran, burka qamadiga, kuwaas oo sii mara farsamotumid dheeraad ah. ld alaab ceyriin.

ayodhiin [m.l]
(daaw.) Maaddo kiimikaad oo jirku u baahanyahay qaddar yar si loo gaaro koritaan caafimaad qaba. Jirka qof weyn waxa ku jira 30 mg. oo ayodhiin ah, inta badanna rasin ku tahay qanjirka dhiiqa ee taayroodka.

carar [m.l]
1. ld cararid. Orod baqdin leh. 2. Dhiin meyraxda dhirta qaarkeed laga sameeyo oo wax lagu aslo; asal; aglool.

dhabaq [m.l]
1. Sacab, durbaan iwm oo ciyaar, hees iwm loo tumay oo aan laysla helin. 2. Dhiin yar, baaldacarka fiiddiisa ku samaysma, sida malabka u macaan oo la cuno.

dhadhiin [m.dh] (-nno, m.l)
Meel buur dhinaceed ah oo biyo ka soo baxaan.

dhidhiin [m.dh]
Dhasha ariga mid ka mid ah oo dhicis ah ee aan weyn noqonin.

dhiidhiin [m.dh]
Kur ka samaysanta ciidda bacaddada.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg