dhil
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-ilay, -ishay)

1. Qolofta kore ka qaadid (miro iwm). 2. Diriqa ka bixin (caw, xaskul iwm). 3. Luumo (galley, haruur iwm) oo isku meel ka baxay qaarkood siibid. 4. Timo qurxiin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhil

cawameer [m.dh] (-ro, m.l)
1. Nafley habeenkii wareegta. 2. Dhillo. 3. Cuntub gaar ah, ilaalo.

dabadhilif [m.l] (-fyo, m.dh)
Cid, cid kale si midiidinnimo ah danaheeda ugu fulisa.

dabadhilif [m.dh]
Barida idaha lafta yar ee dhuuban ee ay ku dhammaato.

dabadhilifnimo [m.dh]
Dabadhilif ahaansho.

dhalaandhilo [m.l]
Laba ciddiyood oo qoobabka ariga, lo'da iwm korkooda ku yaal oo yaryar.

dhalmaanyo [m.dh]
ld dhilmaanyo.

dhannax [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
D. ah: wax aan tiradoodu badnayn; wax yar. ld dhellah, dhillah, dhinnax, dhinnix.

dhilad [m.l]
ld dhilasho.

dhilan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-lmay, -lantay; -lmi)
1. Miro qoloftii iyo diirkii laga qaaday noqosho. 2. Diriqii laga bixiyey noqosho (caw, xaskul iwm). 3. Timo la qurxiyey noqosho. 4. Luumo galley, haruur iwm wax la siibay noqosho si aanay isu gubin.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg