dhiman
(m.l)(baay.) Marka la sharxayo bu', unug, ama noole leh hal urur oo koromosoomyo aan lamaanayn.
dhiman
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-inmay, -imantay; -inmi)1. Wax aan dhammayn oo wax ka maqanyihiin noqosho. 2. Qof waalan noqosho.
dhiman
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-naa, -nayd)1. Wax aan dhammayn oo wax ka maqanyihiin ahaansho. 2. Qof waalan ahaansho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhiman ↴
raamayso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)
1. Raan yeelasho (qof ama geed). 2. Qof maskaxda wax uga dhimanyihiin noqosho.
bangeeriyaad [m.l] (-dyo, m.dh)
Shuban ka yimaadda qofku marka uu dhimanayo.
barood [m.l]
1. ld baroodid. Baabbacada uu geela sameeyo marka uu barwaaqeysanyahay. 2. B. ah: neef sii dhimanaya jirro awgeed.
cusbo [m.dh]
(kiim.) Iskudhis ka kooban xidishe asiidh iyo mid beys, ama iskudhiska samaysma marka biri la falgasho asiidh ee haydarojiinta si buuxda ama dhiman loo barabixiyo.
dheefshiid-dhiman [m.l]
(daaw.) Dheefshiid xumaada, cunnada kaddib xanuun bay leedahay, dibiro, lallabo iyo matag.
dhinmid [m.f.dh]
eeg dhiman².
gunaanad [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
1. Qof dhimanaya quraan ku akhriyid. 2. Dood iwm dhammaystirid.