dulin
(m.l) (-nno, m.dh)

1. Cayayaanka yaryar ee xoolaha ku dul nool; qaniin; deriskunnoole.. 2. ld dulmi¹.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dulin

amiiba [m.dh] (-booyin, m.l)
(baay.) Duul ka tirsan borotosowa, jidhkooduna leeyahay soo baxyo aan joogto ahayn oo loo yaqaanno addimobeenaadyo. Kuwaas oo ay u isticmaalaan socodka iyo quudashada taas oo keenta in qaabka jidhkoodu si joogto ah isku beddelo. Sinjiyada amiibada badankoodu waxay si xor ah ugu dhex noolyihiin carrada, dhooqada ama biyaha halkaas oo ay ka quutaan borotosowaha yaryar iyo dhirta kale ee unugleyda ah, laakiin tiro yar ayaa dulin ah.

balaatihelmantis [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
(baay.) Faylam ka tirsan lafdhabarla'da, oo ka kooban gooryaan suunka, astaamihiisana ay ka mid yihiin jidh ballaadhan oo aan maraaryo lahayn, habdhis dareen-wade oo sahlan, kaas oo unugyadiisu u badanyihiin dhinaca madaxa, dheefmareen sahlan oo af mooye aan futo lahayn. Gooryaan suunku waa labeeb, laakiin isbacrimintiisu waa naadir. Jinsiyo badanoo faylamkan ka tirsan ayaa dulin ah.

caloolbax [m.l]
Saxaro badan, jilicsan oo dulin nafleyda caloosha ka qooma keeno; shuban; dababbax.

dulin-duleed [m.l] (-dyo, m.dh)
(c.nafl.) Noole dulin ah oo soorihiisa dusha kaga nool. Tus. “Injirta”.

dulin-gudeed [m.l] (-dyo, m.dh)
(c.nafl.) Noole dulin ah oo soorihiisa ku dhex nool. Tus. “Gooryaan mullaax”.

dulinnimo [m.dh]
(c.nafl.) Marka noole uu ku kor noolyahay (dulin dibadeed) ama uu ku dhex noolyahay (dulin gudeed) jidhkanoole kale, kaasi oo uu ka helo wuxuu nafaqo u baahanyahay ayaa loo yaqaan dulinnimo. Dulinnada qaarkood waxyeello badan ma gaadhsiiyan soorahooda, sababta oo ah addii ay dilaan soorahooda waxa dhammaanaya qudkooda, haseyeeshee badankoodu waxay sababaan cudur.

dulmi [m.l]
Fal sameyntiisu cid xadgudub ku tahay. ld dulan¹, dulin (2), dulun¹.

dulmi [Fal Gudbe1/2 | Verb Transitive1/2] (-iyay, -iday/isay; -iyi)
Cid dulun ku sameyn. ld dulan², dulin², dulun².

soore [m.l] (-ayaal, m.l/dh)
1. Qofka sooryada bixinaya. 2. Qaybiye; kalabbare. 3. Sinji noolaha ka mid ah kaasi oo dushiisa ama gudihiisa uu ku noolyahay dulin, marka uu qaangaadhana dhaawac uu geysta ama dila.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg