falo
(Fal Gudbe3 | Verb Transitive3) (-ashay, -alatay)

Cid beer qodasho, beer falasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh falo

yaanbo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Bir xalleefsan oo af ballaaran iyo daab leh oo beeraha lagu falo. 2. Bir af ballaaran oo godan leh oo ay cagafcagaftu beeraha ku fasho.

kaalsiyam [m.dh]
(kiim.) Bir firfircoon oo jilicsan, heerkul hoosana ku dhalaasha. Waa curiyaha saddexaad ee ururka II ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Waxay ku badantahay jeesada ama dhagaxa didibka iyada oo ah CaCO3, jibsimka iyada oo ah CaSO4 2H2 O, jibsim ooman iyada oo ah CaSO4, faloorasbaar iyada oo ah CaF2 iyo abatayt iyada oo ah CaF2 Ca3 (PO4). Marka kaalsiyam lagu gubo meel hawo leh, waxa samaysma kaalsiyam ogsaydh (CaO) oo ah adke yooneed oo cad, waxase ka habboon in ogsaydhka laga diyaariyo kaarbooneytyada kaalsiyam kaas oo u kala baxa ilaa 800° C. Ogsaydhka iyo birta nafteeduba waxay sameeyaan haydarog-saydh (Ca(OH)2) marka ay la falgalaan biyaha.ù

beerfalow [m.l]
1. Wax ka beeridda dhulka dushiisa si looga soo saaro dalagyo. 2. ld beerfalid.

beertacab [m.l]
Beer falow.

cabbane [m.l]
Geed saliiddiisa la isku qaras falo.

cagafcagaf [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-fyo, m.dh)
Gaari xoog badan, leh lugo rabar ama bir ah oo beeraha lagu falo ama lagu geed qaado.

caliqabsade [m.l]
Nooc cayayaanka ka mid ah, soo baxa waqtiyada qabowga, lehna dhacaan laysku qaras falo.

camalfalo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ashay, -alatay)
Camal wanaagsan Eebbe dartii u samayn.

cawaguddo [m.dh]
Caws balka galleyda u eg oo sida badan beeraha ka soo dhasha oo haddii la falo si dhaqso ah u soo baxa.

dhiiguris [m.l]
Fal lagu falo ugaarta (dhiigga neefka la dilay ayaa qaansada madaxeeda iyo dabadeeda lagu taabtaa).

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg