gacanqaad
(m.l)1. Dagaal yar oo gacan la adeegsanayo. 2. Salaan kalgacaltooyo. 3. Siin; waxbixin. 4. ld gacanqaadid.
gacanqaad
(Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1) (-day, -dday)1. (f.g) Cid gacan ku salaamid. 2. (f.g) Qof xaal siin. 3. (f.mg) Dagaal bilaabid. 4. (f.mg) U g.: cid wax ugu deeqid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gacanqaad ↴
gacanqaadid [m.f.dh]
eeg gacanqaad². ld gacanqaad¹ (4).
midigsaar [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, rtay)
Salaamid, u gacanqaadid (qof).
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg