Gal

Qaabnaxa: m.l Isrogrogga: (-lal, m.l)

1. Meel godan oo biyo ku jiraan. 2. Warqad adag oo xaashiya lagu kaydiyo; fayl.

Gal

Qaabnaxa: Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine Isrogrogga: (-lal, m.l)

1. Nuur dayaxa isku wareejiya. 2. Buqshad. 3. Shay wax lagu xafido (sida seef, billaawe iwm).

Gal

Qaabnaxa: Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1 Isrogrogga:

(galay, gashay; geli) 1. (f.g) Wax dhexdi ama gudihii gaarid. 2. (f.g) Arrin, hawl iwm wax ka qabasho. 3. (f.mg) Ka g.:god muhiim ah qof uga hor marid (shax). 4. (f.mg) U g.: shisheey isu dhiibid. 5. (f.mg) U g.: cid maqan howl u qabasho. 6. (f.mg) U g.: cid meel ugu gabbasho. 7. (f.mg) Ku g.: Wax laga quustay heliddooda noqosho (baadi).

Galaalxoor*

Fooro qof saarnayd oo uu iska tiro. Dambas ama nuurad qof cayaar laga badiyey la mariyey oo uu iska tiro.


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Jeegal*

Taleefan ama moobeel.


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Macne Dheeraad ah

Waa agab ama qalab loo adeegsado wada hadalka sida cod ama dhambaal iwm.

Erey(o) la macne ah ama xiriir la leh ereyga gal

ba | daabac | aale | taabbaggal | taabbaggal | xaajaggal | haad-ka-adag | laabato | jaahwareer | jaahwareer |
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg