hannaan
(m.l) (-nno, m.dh)

1. Wax si wanaagsan u agaasiman. 2. Qaab wanaagsan oo wax leeyihiin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh hannaan

qaab [m.l] (-bab, m.l)
1. Hannaanka wax leeyahay. 2. Hab. 3. Caano garoor ah. 4. Caano yar oo garoor ah oo caanaha dhayda ah lagu daro si ay durba garoor u noqdaan; salsal; khamiir. hab

abaabul [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ulay, -ushay)
Si hannaan ama qaab habeysan leh dad u hawlgelin, arrin isku duwid, qabanqaabin.

basar [m.l]
1. Hab iyo hannaan qof bulsho uu la noolyahay ula dhaqmo. 2. Tab iyo xeelad qof adeegsado si uu arrin ugu xalliyo. 3. ld basrid.

hannaani [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax hannaan wanaagsan u yeelid.

hannaanin [m.f.dh]
eeg hannaani.

haydh [m.l] (-ooyin, m.l)
(fiis.) Hummaagga oo yeesha iin-muuqaal, ayna sababtay, bikaaco ama muraayad xoodan. Haydh midabkeeda humaaggu waxa uu yeeshaa hariiryo midabaysan, taas oo ay ugu wacantahay hannaanka kala geddisan ee ay midabada kala geddisan u qalloocdaan.

jugleyn [m.dh]
(daaw.) Hirar cadaadis ah oo is daba joog ah oo dhex maraya halbowle waxaana keenay iskuroorka hannaansan ee muruqa qolka bidix ee wadnaha, sidaas darteed waxay u dhigmaan xawliga garaaca wadnaha inta goor uu wadnuhu (garaaco/daqiiqaddiiba) waxa si sahal ah looga dareemi karaa halbowlayaasha meel soke ku yaal, sida halbowlaha kalka dibadeed ee tagoogta (radial artery) ama halbowlaha luqunta (karotid artery).

nidaamdarro [m.dh]
Hab iyo hannaan la raaco la'aan. ld nadaamdarro, nadaam-la'aan, nidaam-la'aan.

rar [m.l]
1. Culaabta gaadiidka la saaro; xamuul. 2. Hannaanka gaadiid culaab loo saaro. 3. Qaadka ama mugga gaadiid yeelan karo.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg