rar
(m.l)

1. Culaabta gaadiidka la saaro; xamuul. 2. Hannaanka gaadiid culaab loo saaro. 3. Qaadka ama mugga gaadiid yeelan karo.

rar
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-ray, -rtay)

Gaadiid culaab saarid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh rar

gaadaami [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Awr la rarayo luqunta iyo jeeniga hore isku xirid si aanu u kicin.

gaadaan [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-aamay, -aantay; -aami)
Awr la rarayo luqunta iyo jeeniga hore iskaga xirid si aanu u kicin.

haad-kacarar [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
H. ah: qof fulay ah. ld haad-karoor. haad-karoor, fulay

baadicarar [m.l]
Neef baadi ah oo reerihii uu la joogay ka carara.

daabbad [m.dh] (-do, m.l)
1. Neef xoolo ah oo la rarto ama la fuulo. 2. Nafley weyn oo la rumeysanyahay inay badda ku jirto, balse aan weligeed la arag.

daabul [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ulay, -ushay)
Xoolo koox-koox u socda si degdeg ah u rarid.

gaadaansan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax si gaadaan ah loo xiray ahaansho (awr la rarayo).

gaadaanso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Awr la rarayo si gaadaan ah u xirasho.

gaadiid [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Wax kasta oo la rarto, laguna guuri karo.

laabqarrar [m.l]
ld laabjeex.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg