hormar
(m.l)Koritaan dhaqaale, siyaasad, dhaqan oo la gaaro. ld horummar.
hormar
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-ray, -rtay)1. Ka soo horrayn. 2. Horay u socosho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh hormar ↴
ha [qr. 1. (nax.)]
Qurub ka hormara falka wax lagu farayo cid kale. Tus. “Wiilasha buugta
ha akhriyeen”. 2. Qurub ka hormara falka wax lagu reebayo (fal amar diidmo). Tus.“Ha keenin!”.
maaddi [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
M. ah: qof lacagta, xoolaha aad
u jecel oo dantiisa wax kasta ka hormariya.
maalgeli [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
Mashruuc hantigelin si loo hormariyo.
qaamowqanshiir [m.l]
(daaw.) Cudur la isqaadsiiyo oo ku dhaca caruurta da'dodu u dhaxyso shan (5) ilaa shan iyo toban (15). Bararka qanjirka calyada oo ku yaal daanka hoose dadabiisa ee labada dhinacba, waxa ka horreeya: qandho, madax-xanuun iyo matag bararka labada qanjir way kala hormaraan mararka qaarkoodina mid keliya ayuu cudurku ku dhacaa.
afeef [m.f.dh]
Hadal, kolka la doodayo la hormarsado, og waxyaalo la oran doono marmarsiinyo looga dhigo, ama waxyaalo laga baqayo soo qaadkood lagu gudbo.
dabakeen [m.l] (-nno, m.dh)
Wiil dadku sharaysto oo marka uu dhalanayo qaarka dambe soo hormariya.
dabakeen [m.dh] (-nno, m.dh)
Gabadh dadku sharaysto oo markay dhalanayso qaarka dambe soo hormariya.
dabakeen [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-nay, -ntay)
Ilmo dhalanayo, qaarka dambe soo hormarin.
deyraan [m.l]
Dabaysha, firada, heerka iwm oo ka soo hormara roob di'i raba.
dhaafi [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-iyay, -isay)
1. (f.g) Wax meel ka gudbin. 2. (f.g) Wax, wax kale oo taagan ama ay isku dhinac u socdaan ka hormarin. 3. (f.g) Iyadoo sixir la adeegsanayo cid jirradeeda cid kale ku wareejin. 4. (f.g) Cid maaweelo waqti kaga lumin. 5. (f.mg) U dh.: cid wax, wax kale ugu beddelid.