afeef
(m.f.dh)

Hadal, kolka la doodayo la hormarsado, og waxyaalo la oran doono marmarsiinyo looga dhigo, ama waxyaalo laga baqayo soo qaadkood lagu gudbo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh afeef

afeefad [m.l]
ld afeefasho.

afeefasho [m.f.dh]
eeg afeefo. ld afeefad.

afeefo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-ftay, -fatay)
Ka a.: cid arrin khuseysa afeef ka yeelasho.

afeeftamid [m.f.dh]
eeg afeeftan.

afeeftan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-amay, -antay; -ami)
Ka a.: arrin afeef ka samayn.

aragtida kuwaantam [m.dh] (-iyada ..., m.dh)
(fiis.) Aragti ugu horeyntii u soo saaray Maks Blank (1858-1947) oo sharaxaysa kaaha walax madow, wuxuuna soo bandhigay afeef ah in tamarta birlabdanabeedku ku baxdo kuna qaadanto qaybo joogto ahayn oo ku dhufsanayaal abyoon ah. Tusaale ahaan, tamartu waxa ay u baxdaa baakidho yar yar oo isdabajoog ah. Rakaad kasta oo birlabdanabeed waxa la xiriira baakidho yaryar oo tamar ah, ma jirto tamar la helo oo ka yar baakidhadan, kuwaas oo loo yaqaano kuwaantaam ama footoon.

araro [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-rtay, -ratay)
1. Hadal ama qoraal gogoldhig u samaysasho. 2. Ka sii a.: wax in ay dhacayaan la filayo ka afeefsasho. 3. Xoola la waraabiyey inta aanay rakaadan daaq tegid.

baarran [m.l] (-ammo/-anno, m.dh)
1. Dhawaaq afka ka soo baxa firkad gaar ah lagu cabbirayo; hadal; afeef. 2. ld baarramid.

dood [m.dh] (-do, m.l)
1. (xis.) Marka laga hadlayo loojig, waa susun hawraaro ama weedho ah oo ka bilaabanta urur qaadashooyin ah kuna dhammaata go'aan. 2. (xis.) Urur hawraaro ama weedho ah oo loo yaqaan afeef iyo hawraar lagu soo gooyay oo loo yaqaan go'aan.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg