iniin
(m.dh) (-no, m.l)Mirta ay dhirtu ka abuuranto. ld iniix.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh iniin ↴
raatib [m.l]
1. Quraan akhris, werdi iwm oo waqti go'an si joogto ah loo sameeyo. 2. (-byo, m.dh) Laba iniinood oo ka mid ah iniinaha tusbaxa oo tirooyin go'an u kala qaybiya tusbaxa middood. ld ratib¹ (1).
ugxanside [m.l] (-dayaal, m.l/dh)
1. (c.nafl.) Organka taranka ee dheddigga xayawaanka kaas oo soo saara ugxanta. 2. (bot.) Salka hulan ee kaarbalka ubaxa, kaas oo ka kooban hal ama in ka badan oo ugxan side yare. Bacriminta kaddib, derbiga ugxansiduhu wuxuu u koraa xagga midhaha isaagoo daboolaya iniinyaha.
ugxanside-yare [m.l] (-rayaal, m.l/dh)
(bot.) Qaybta organnada taranka dheddigga ee iniinyaha geedka, taas oo ka kooban bu'da, kiish uurjiif iyo lakab ugxaneedya.
waanbe [m.l]
Jaad badarka ka mid ah oo ay iniinihiisu aad u yaryaryihiin.
xabbad [m.dh]
1. (-do, m.l) Saanadda buntukha laga rido middeed; rasaas. 2. Cudur dadka ku dhaca; waraabow. 3. Wax keli ah; mid. 4. (-do, m.l) Iniin.
abqo [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Miro dhuuban, galoolan, dhexda iniino ku leh, quracu bixiyo oo xooluhu cunaan; dhameel. ld aqbo, qabco.
afyaal [m.l]
1. Hoggaamiye; horyaal. 2. Qof cid u qaabbilsan soo dhoweynta. 3. Aftahan. 4. Oodafo. 5. Mir ka duwan iniinaha tusbaxa, dheer, oo soo ooda taxa tusbaxa.
babbaay [m.l]
Geed-mirood dheer, lugtool ah oo baarka sare ku leh caleemo balballaaran iyo miro waaweyn, macaan oo leh iniino filfisha u eg; mafafaay.
badar [m.l]
Nooc ka mid ah dalagga la beerto oo leh iniino la cuno, lana keydin karo, sida: galleyda, masaggada, iwm.
banji [m.l]
Geedgaab iniinahiisa lagu sakhraamo oo leh caleemo balballaaran iyo miro kulkulucsan, waaweyn oo dusha qodxo jiljilicsan ku leh.