banji
(m.l)

Geedgaab iniinahiisa lagu sakhraamo oo leh caleemo balballaaran iyo miro kulkulucsan, waaweyn oo dusha qodxo jiljilicsan ku leh.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh banji

yeeg-bibanji [m.l] (-iyo, m.l)
ld yeeg-bibiish.

yeeg-bibiish [m.l] (-iyo, m.dh)
Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talag-galay dhinac hal dhibic ku leh, dhinaca kale-na shan dhibcood. ld banji-biyeeg, biish-biyeeg, yeeg-bibanji.

banji-bicaddaan [m.l] (-nno, m.dh)
Dhagax dubnadeed oo wejiga lagu cayaaro dhinac ka cad, dhinaca kalena ku leh shan dhibcood. ld caddaan-bibiish.

banji-bidooh [m.l] (-hyo, m.dh)
Dhagax dubnadeed oo wejiga lagu cayaaro dhinac labo dhibcood ku leh, dhinaca kalena ku leh shan dhibcood. ld dooh-bibanji.

banji-bijoohaar [m.l] (-rro, m.dh)
Dhagax dubnadeed oo wejiga lagu ciyaaro dhinac afar dhibic ku leh, dhinaca kalena shan dhibic. ld joohaar-bibanji.

banji-bisaliim [m.l]
ld saliim-bibanji.

banji-bishiish [m.l] (-shyo, m.dh)
Dhagax dubnadeed oo wejiga lagu ciyaaro dhinac shan dhibcood ku leh, dhinaca kalena lix. ld biish-bishiish, shiish-bibanji, shiish-bibiish.

banji-biyeeg [m.l] (-gyo, m.dh)
Dhagax dubnadeed oo wejiga lagu ciyaaro hal dhibic ku leh, dhinaca kalena shan ku leh. ld yeeg-bibiish.

banjiyad [m.dh] (-do, m.dh)
Dhagax dubnadeed oo labada wejiba ku leh, shan dhibcood. ld biishad.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg