inkaar
(m.dh)

Dhibaato qof Ilaah looga baryo in ay ku dhacdo.

inkaar
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-ray, -rtay)

Dhibaato Ilaah cid uga baryid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh inkaar

wacadqabe [m.l]
Qof wacad u galay ka baxay oo inkaar qaba.

cawro [m.dh]
1. Inkaar. 2. Il, cawri. 3. Xin, kuuni, xasdi.

dhaaw [m.l]
1. Habaar; Inkaar. 2. Daaweynta Jin, dabayl iwm cid laga daweeyo. 3. ld dhaawid. ld dhaw¹.

fered [m.l]
1. Wax wanaagsan oo khayr leh. Tus. “Fered Alla ha kuu furo”. 2. Inkaar, habaar.

fered [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-rday, -redday)
Qof inkaar la helid.

inkaaran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
Wax la inkaaray ahaansho.

inkaarid [m.f.dh]
eeg inkaar².

inkaarnaan [m.f.dh]
eeg inkaaran. ld inkaarnaansho.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg