iran
(m.l) (-nno/-aamo, m.dh)

1. Daliig lagu sameeyo weelasha la tolaayo oo gucunka kor ka maro. 2. ld inan 1 (3). Isha birteeda. 3. Meesha banka iyo dhulka dhirta leh iska galaan. 4.(-mo, mdh.) Meel kayn ah oo godan, hareerahana ka bannaan.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh iran

tafiiran [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-rmay, -rantay; -rmi)
Ka t.: wax ka soo farcamid (cid).

ulaysi-dagiiran [m.l]
Waddo halka ay ka billaabanaysa u ballaaran, halka ay ku dhammaanaysana u ciriiryoon oo dagiiranka lagu soo qumiyo si ay ugu ururaan edegga. Mur-dagiiran.

uusmiiran [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-rmay, -rantay)
Wax la uusmiiray noqosho.

uusmiiran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
Wax la uusmiiray ahaansho.

afxiran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
1. Qof soon niyaystay ahaansho. 2. Dugaag si uusan xoolo lumay u cunin wax la afxiray ahaansho.

akhiran [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-rmay, -rantay; -rmi)
Wax waqti la rabay dib uga dhacay noqosho.

akhiran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
Wax waqti la rabay dib uga dhacay ahaansho.

arrad-tiran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa,-nayd)
ld arratiran.

arratiran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
Wax la arratiray ahaansho (qof). ld arrad-tiran.

badxiran [m.l]
ld badxidhan.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg