isbeddelid
(m.f.dh)

eeg isbeddel².

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh isbeddelid

diilabadan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-dnaa, -dnayd)
Dabci si caadi u ah isbeddelid (qof).

geddoon [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-oomay, -oontay; -oomi)
1. Wax dhinac u dhicid. 2. Muruqyo, xanuun, caro iwm awgeed isbeddelid (qof). 3. Dib u noqosho (wax). ld gaddoon.

huyuc [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-cay, -cday)
Wax la huurshay urkooda isbeddelid. ld hunyuc².

kacaan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-aamay, -aantay; -aami)
1. Hiyi kicid. 2. Hawo isbeddelid.

kalagguur [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. Laba reerood ama qof oo wada degganaa midba dhan u guurid. 2. Xilli isbeddelid.

manjarrogo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-gay, -gtay)
1. Isbeddelid (arrin). 2. Ilmo sidkoodii dhammaaday madaxa hoos u soo rogasho. ld majarrogo, mijarrogo, minjarrogo.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg