isgoo
(Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2) (-ooyay, -ooysay)1. (f.g) Qof jirkiisa meel ka mid ah wax af leh isaga jarid. 2. (f.mg) Qof cayilan isliska cajarradiisa uu isku liso awgeed la dhaawacmid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh isgoo ↴
dareeris [m.dh] (daaw.)
Dareerin dhacaan ku jira meel jirka ka mid ah sida biyaha isgoosyada xubnaha gala ama malax ama kaadi qof kaadi ku dhagtay.
isgoyn [m.f.dh]
eeg isgoo.
laba-madaxle [m.l] (-layaal, m.l/dh)
(c.nafl.) Muruq laba madax leh. Laba madaxlaha cududda wuxuu ku yaal inta u dhexeysa isgooyska garabka ila isgooyska xusulka wuxuu laabaa cududda iyo dhudhunka wuxuuna xagga calaacasha u rogaa dhudhunka iyo gacanta laba madaxlaha shanshada wuxuu ku yaal xagga dambe ee bawdada wuxuuna qabtaa laabidda jilibka, fidinta bowdada iyo rogidda lugta xagga dibadda.
miisgool [m.l] (-llo, m.dh)
Miis wareegsan oo fadhiga la dhigto.
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg