jiib
(m.l)

1. Hoorinta iyo isla qaadidda heesaha cayaaraha. 2. Cayaar gaar ah.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh jiib

jaandheer [m.dh]
Ciyaaraha jiibta iyo jaanta leh oo la dheelo mid ka mid ah.

waalo [m.dh]
Cayaar cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka ka mid ah, raggu cayaaro oo labo saf oo iska soo horjeeda, tira isla egna ah, iyadoo jilbajabsan gacmahana lagu cayaaro hees iyo jiibna leh; hellem.

ajiib [m.l]
1. Aqbal. 2. ld ajiibid.

ajiib [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
Cid wax ay rabto ka aqbalid.

ajiibid [m.f.dh]
eeg ajiib². ld ajiib¹ (2).

baalley [m.dh]
Ciyaar dhaqameed jaan iyo jiibinba leh oo dadka isku maaweeliyo (degaanka Ceergaabo).

batar [m.l]
Nooc ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka ka mid ah jiib iyo sacab leh oo ay ragga iyo dumarku wada dheelaan.

beerrey [m.dh]
1. Nooc ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka soomaaliyeed ka mid ah, oo leh jiib, jaan, sacab iyo biro la isku garaaco oo ragga iyo dumarku ay wada ciyaaraan. 2. ld beeraley.

bullo [m.dh]
1. Ciyaar hiddaha iyo dhaqanka ka mid ah, ragga iyo haweenku wada ciyaaraan, leh jiib, jaan, buun, durbaan iyo biro la isku garaaco. 2. B. ah: midab fardood dambarka u eg.

cajiib [m.l]
1. C. ah: wax qaabkii dabiiciga ahaa ee lagu yaqiin ka duwan. 2. (e.d) Waa yaab.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg