jirro
(m.dh) (-ooyin, m.l)

Isbeddel ku dhaca xubnaha jirka nafleyda oo wax u dhima caafimaadkooda; bugto; fayoobi la'aan; cudur; xanuun.

jirro
(Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3) (-raday, -ratay)

Isdbeddel ku dhaca xubnaha jirka nafleyda oo wax u dhima caafimaadkooda la kulmid; bukasho; xanuunsasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh jirro

caabuq [m.l]
1. Hurgumidda meel dhaawac ah; fasas. 2. C. ah: nafley xoog lahayd oo jirro, nafaqo darro awgeed la tabar darreysay. ld caabaq¹. caabaq, fasas

caabuq [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-qay, -qday)
1. Meel dhaawac ah hurgumid. 2. Nafley tabar darreyn jirro, nafaqo darro iwm awgeed.

caafimaad [m.l]
Cudur iyo jirro la'aan.

caafimaad [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
Cudur, jirro iwm ka bogsasho.

udullub [m.l]
Socod cagajiid ah oo ay sameeyaan dad jirro, caro iwm hayso.

udullub [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bay, -btay)
Qof jirro, caro iwm la cagajiidid.

adaddaah [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-hay, -hday)
1. Madaxwareer yar. 2. Jirro muddo lala jiifey si tartiib ah uga bogsasho.

aragxun [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-umaa, -umayd)
1. Nafley ay jirro, macluul iwm ka muuqdaan ahaansho. 2. Nafley aan indhaha si fiican wax uga arkeyn ahaansho.

axgab [m.l]
1. A. ah: tabarbeelidda nafley tabar beeshay; jirro, gabow, daal iwm awgeed. 2. ld axgabid.

axgab [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bay, -btay)
Nafley jirro, gabow, daal iwm la tabarbeelid.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg