liq
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-qay, -qday)Cunto ama cabbitaan jadiinka marin. ld laq.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh liq ↴
raabiya [m.dh]
(daaw.) Cudur muddo gaaban
oo uu keeno fiirus, wuxuuna ku dhacaa
maskaxda iyo xangullada ee xoolaha dhiigga
kulul, waxaana sida badan dadka u gudbiya
qaniinyada ey cudurka qaba. Astaamuhu
waxay soo baxaan muddo u dhexeysa 10 beri
ilaa sannad waxayna ka koobanyihiin: jir
xanuun, qandho, dhibaato neefsashada,
dhareerid, xilliyo qofku aad u kacayo iyo
muruq-roor xanuun badan oo ay liqiddu
keento. Xaaladaha dambe ee cudurka; aragga
biyaha oo keena qallal iyo curyaannimo.
Dhimashadu waxay dhacdaa 4-5 beri
dhexdood.
abeesajilfaaley [m.dh]
Abeeso aad u weyn oo bakeylaha, sagaarada iyo ugaarta yaryar liqda. ld abeesojufaaley.
abguri [m.dh]
Abeeso aad u weyn oo waxaraha, bakaylaha, sagaarada iwm. liqda.
alamso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Si degdeg ah wax u liqid.
balliqid [m.f.dh]
eeg ballaq². ld ballaq¹, ballaqid.
bililiqaysad [m.l]
ld bililiqaysasho.
bililiqaysasho [m.f.dh]
eeg bililiqayso. ld bililiqaysad, bililiqaysi.
bililiqaysi [m.l]
ld bililiqaysasho.
bililiqayso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-stay, -satay)
Hanti la boobayo in yar ka qaadasho.
bililiqo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Hanti yar oo meel la boobayo laga helo.