mallaay
(Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective)

Kalluun. ld mallay.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh mallaay ↴

habarey-maanyo [m.dh]
Nafley la aaminsanyahay in ay badda ku nooshahay oo qaarka sare gabar ka ah qaarka dambena mallaay. ld gabarey-maanyo.

kalluun [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
(c.nafl.) Nafley dhiig qabow leh oo jaadad badan, wuxuu leeyahay laf dhabar iyo xubin la yiraahdo qoonbiyaal, biyaha ayuu ku dhex nool yahay, hilibkiisana waa la cunaa; mallaay.

magungi [m.l]
Nooc mallaayga ka mid ah lahna qaab mas, oo aan la cunin.

mallay [m.l]
ld mallaay.

maqaalin [m.dh] (-no, m.l)
Bir af qoroofan oo xagga dambe dalool ku leh oo mallaayga lagu dabo.

maraamiir [m.l]
(c.nafl.) Nooc mallaayga gadiirka u eg oo badda soomaaliyeed ku badan.

miinshaar [Magac Lab | Noun Masculine]
Nooc mallaayga ka mid ah oo af miinshaar ah leh. ld miishaar¹.

gabarey-maanyo [m.dh]
Nafley la aaminsanyahay in ay badda ku nooshahay oo qaarka sare gabar ka ah qaarka dambena mallaay. ld habarey-maanyo.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg