mallay
(m.l)

ld mallaay.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh mallay

idaad [m.dh] (-do, m.l)
1. Bir qaroofan oo mallayga lagu dabo. 2. Laqanyo. laqanyo

abeesabbadeed [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Nooc mallay badeedka la mid ah oo abeesada u eg.

cayddi [m.l] (-iyo, m.dh)
1. Nooc mallayga yaryar ka mid ah oo koox-koox isu raaca. 2. Ilmo. 3. Wax yaryar oo aan qayme lahayn. (baay.) Nudo geed oo ka kooban unugyo si firfircoon u qaybsamaya oo soo saara unugyo; unugyadaas oo u meesiyooba nudaha cusub ee geedka.

fuud [m.l]
Dhacaanka ka baxa hilib xoolaad ama mallay iwm. oo biyo lagu kariyey; maraq.

gabareymaanyo [m.dh]
Nafley la rumeysan- yahay inay badda ku nooshahay, taasoo qaarka sarana ka ah gabar qaarka dambena mallay.

mallaay [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Kalluun. ld mallay.

qardabo [m.dh]
1. Nooc mallayga badda ka mid ah oo aan jurmi weynayn, lehna midab cad iyo dhibco yar yar oo madmadow. 2. Dhibaato qarsoon oo cid loo geysto. 3. ld qartabyo. 4. ld qardabeyn.

qolof [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-lfo, m.l)
1. Dubka sare ee geedaha. 2. Jilif xalleef ahoo ay nabarradu yeeshaan siiba marka ay biskoonayaan. 3. Dubka sare ee xammaaratada iyo mallayga.

qolofdhacso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
1. Xamaarato, mallay iwm xuub siibasho. 2. Nabar qolof ka dhicid.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg