mar
(m.l)1. (-rar, m.l) Waqti la yaqaan oo bilow iyo dhammaad leh; goor, kol. 2. M.kayga, m.kaaga iwm: kolkayga, kolkaaga iwm. 3. M.kiiba: isla waqtigiiba, durba. 4. ld marid.
mar
(m.dh) (-ro, m.l)1. Wax walba ee dumarku dhexda ku xirtaan. 2. Qiimaha naagnimo.
mar
(Xiriiriye | Conjunction)1. (nax.) Isla m.ka ama isla m.kii: oraah lagu xiriiriyo weer waqtiley ah oo tilmaamaysa fal dhacay isla waqtigii midka weerta xorta ahi uu bilaabmayo. Tus. “Isla markii uu yimid shaqo ayuu bilaabay”. 2. (nax.) M.ka ama m.kii: oraah lagu xiriiriyo weer waqtiley ah. Tus. “Markii uu Warsame dhoofay ayaan gegida dayuuradaha ka soo noqday”.
mar
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-ray, -rtay)1. Meel gudbid. 2. Dhaarasho. 3. Wax, wax ku duubid. 4. Wax baabuur iwm dardarid. 5. Nafley dabayl jin iwm ku dhicid. 6. Isku m.: wax xoog isku duubid. 7. Isu m.: laba meel oo kala jaho ah socod gaadiid iwm ku wada gaarid.
samareeb*
Wax fiican oo waxtar leh sabab u noqosho.
* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.
Kamarad*
Aalad wax sawirta. Kaamiro.
* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.
Marjo*
Marjo hebel ama heblaayo Waa marjo oo howshii loo diro maqaban karaan wax matare Waa marjo Qofkaan Waa marjo oo wax maqabsato maqab san karto howsheeda oo waa marjo
* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh mar ↴
aadaan [m.l]
1. Ogeysiin cod dheer leh oo mu'addinku ugu yeero muslimiinta waqtiyada salaadda.
2. Ci' dheer oo neef riyo ahi uu sameeyo marka uu xanuunsado. ld aadaamid, aaddan¹, eedaan¹. aadaamid, aaddan, eedaan
aadiraac [m.l]
Dhicinta uu neef markaas rimay dhiciyo; qubeys.
aakhiro [m.dh]
Meesha iyo nolosha dambe ee lagu noolaan doono marka adduunka laga tago.
eber [m.l]
1. Tiro xisaabeed oo marka ay
kaligeed tahay aan macne lahayn, laakiin
marka tiradu midig ka raacdo toban ku
dhufata. 2. Barta kala barta toganaha iyo
tabanaha xisaabta. 3. E. ah: wax ama meel
maran. ebar
ib [m.dh] (-bo, m.l)
1. Dalool yar oo naasaha
caaraddooda ku yaal oo ay caanuhu ka soo
baxaan. 2. Dalool ku yaal xubinta taranka
laboodka oo ay kaadidu ka soo baxdo.
3. Dhuun yar oo xanjo ka samaysan oo
dhurduhu u maro surta.
ibagorayo [m.dh]
Maridda hal irmaan si candhada ka bararisa loo maro.
ibagurayo [m.dh]
Bararka naasaha geela marka si xun loo maro ay bararaan.
ibaguryee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-yeeyay, -yeysay)
Hal si xun loo maray nasaaha ka bararid.
ta [q.dh] (-ta)
Qodob magaca dhaddig dib looga qodbo si looga dhigo wax cayiman. Xarafka “t” ee qodobkan wuxuu isu beddelaa “d” markuu raaco magacyada lab oo ku dhammaada d,c,x, h, y,
iyo (') hamsa. Markii la raaciyana magac ku dhammaada xarafka “l” labadaa xaraf waxay isu beddelaan “sh”. Tus. “ul+ta-> usha,bad+ta> badda”.
taab [m.l] (-bab, m.l)
1. Xargo isweydaarsan oo gadawga wadaanta iyo dhiilaha loo yeelo si markay buuxaan loogu qaado. 2. Agagaarka guriga. 3. Ubaxa ka soo baxa geedka digirta inta uusan miro yeelan. 4. ld taabid. taabid