miliq
(Magac Dheddig | Noun Feminine)

Balagga digirtu marka uu curdunka yahay.

miliq
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-lqay, -liqtay)

Xarig si aan habaysnayn isku dhex gelid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh miliq

caloolaweyn [m.dh]
1. (u) Koox dad ah oo hanti mood ah oo badan leh. 2. Marka balagga digirtu ka baxo miliqnimada ee ay iniinyihiisu yaryaryihiin.

ilmiliqsi [m.l]
ld ilbiriqsi.

miliqsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax si aan habaysnayn isugu dhex jira ahaansho (xarig).

miliqsanaan [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg miliqsan. ld miliqsanaansho.

miliqsanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld miliqsanaan.

milqid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg miliq².

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg