naanays
(Magac Dheddig ah | Feminine Noun) (-so/-syo, m.dh)

Magac dheeri ah oo loo yaqaan qof, kaas oo aan ahayn magaciisa dhabta ah; koofaar. ld naynaas¹.

naanays
(Magac Dheddig ah | Feminine Noun) (-syo, m.dh)

(kiim.)Hab loo qoro iskudhis kimikaad iyadoo la isticmaalayo summadaha atamyada ku jira. Hoosgalayaashu waxay u taaganyihiin tirada atamyada. Naaneys molikiyuulku waxay ku tustaa oo keliya nooca iyo tirada atamyada ah ee ku jira iskudhiska. Dhis naaneys molikuyuulkuna waxay muujisaa sida atammadu u ratibanyihiin.

naanays
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-say, -stay)

1. Ku n.: qof magac dheeri ah oo aan kiisii dhabta ahaa ahayn u bixin. 2. Ku n.: cid falkeeda dhaliilid. ld naynaas².

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh naanays

naanaysan
[Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)

ld naynaasan.

naanaysid
[Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]

eeg naanays³. ld naynaasid.

naanaysnaan
[Magac Dheddig ah | Feminine Noun]

ld naynaasnaan.

naanaysnaansho
[Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]

ld naynaasnaan.

alkayn
[m.l] (-no, m.dh)

(kiim.) Koox ka tirsan haydarokaarboonnada aan dheregsanayn; loona yaqaan sitayliinno. Waxay wadaagaan naanaysta guud ee C H-na waa abyoone.

asiidh-laagtika
[Magac Dheddig ah | Feminine Noun] (-dyo ..., m.dh)

(baay.) Asiidh dhanaan oo dhis naanays molikiyuulkeedu yahay CH3CH(OH)COOH, asiidhka laagtig waxay ka timid asiidhka bayruufig, marka muruqyadu firfircoonyihiin ogsajiintuna xaddidantahay. Taasoo si isbada joog ah beerku u saaro una beddelo gulukows. Jimicsiga xoogga badan waxa laga yaabaa in ay ku ururto muruqyada dhexdooda taas oo keenta muruqyo xanuun. Waxa kale oo ay asiidhka laaktig ka qayb qaadataa khamiirinta caanaha, iwm.

jid-kiimikeed
[m.l] (-dyo, m.dh)

(kiim.) Hab loo dhigo iskudhiska kiimikaad iyada oo la adeegsado summado taagan atammada. Naanays-molikuyuulku waxay sheegtaa keliya noocyada iyo tirada atammada. Dhis-naanays molikuyuulku waxay muujisaa sida atammadu u habaysanyihiin. Dhis naanays molikuyuulku waxaa kale oo ay muujisaa sida atammada ama kooxuhu ugu aaddanyihiin dululaatiga.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg