naayaa
(u.j)

Erey haweeney lala hadlayo dareenkeeda lagu soo jeediyo, xushmadarrana huwan. ld naa.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh naayaa

naa
[u.j]

Erey qof dumar ah loogu dhawaaqo ama loogu yeero ama lagu soo jeediyo; magac ayaa badanaa ka dabadhaca. Tus. “Naa Kaaha!”, “Naa Ubax”. ld naayaa. naayaa

hayaay
[Magac Dheddig ah | Feminine Noun]

1.H. baaqid; h. u yeerid. 2. (e.d) Waryaa!; naayaa.

hooy
[u.j]

1. War h.!: erey qof lala hadlayo dareenkiisa lagu soo jeediyo; waryaa! 2. Naa h.!: marka qof haween ah lala hadlayo ayaa la adeegsadaa naayaa. 3. Hooyaay!: marka dad badan lala hadlayo ayaa la adeegsadaa waryaadahee.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg