nadaafad
(Magac Dheddig ah | Feminine Noun)ld nadaafo.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh nadaafad ↴
baali
[Magac Dheddig ah | Feminine Noun] (-iyo, m.l)
Qof dumar ah oo aan daryeelin nadaafadda nafteeda, hugeeda, aqalkeeda iwm; areebo.
banmar
[m.l]
1. Cudur caaliriya candho neef markaa dhalay oo ka yimaadda nadaafaddarro. 2. ld banmarid.
banmar
[Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Candho neef markaa dhalay nadaafaddarro awgeed caalirid.
banoo
[Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
Candho neef markaa dhalay nadaafaddarro awgeed caalirid.
dabeyl
[Magac Dheddig ah | Feminine Noun] (-lo, m.l)
(daaw.) Cudur dadku isu gudbiyo oo uu keeno fiirus kuna dhaca maskaxda iyo xangullaha. Fiirusku wuxu raaca saxarada qof fiiruska qaba, sidaas darteed cudurku wuxuu ku badanyahay meesha nadaafaddu ay ku yartahay, nooca dhicisooba ee cudurkaas waxa keliya oo jirrada cunaha iyo xiidmaha astaamuhuna waxay noqonayaan oo keliya caloosha oo qasanta ama durey sidiis; cudurka dabeysha oo aan curyaannimada gaarin wuxu leeyahay muruqyada oo adkaada gaar ahaan kuwa surka iyo dhabarka cudurka dabeysha oo curyaannimada wata waa ka tiro yaryahay midka aan sare ku soo sheegnay, noociisa sahlanna waxa la socda itaaldarro muruqyada ama curyaannimo. Cudurka dabeysha ee ku dhaca maskaxda waxa curyaama muruqyada neefsashada taas oo keeni karta dhiibaato neefsasho. ld dabayl¹ (5).
fayodhowr
[m.l]
(daaw.) Cilmiga caafimaadka iyo aqoonta ilaalinta caafimaadka gaar ahaan horumarinta nadaafadda.
gaari
[Magac Dheddig ah | Feminine Noun]
Haweeney maamulka aqalkeeda iyo nadaafadda jirka aad u ilaalisa oo uga adag.
nadaafo
[Magac Dheddig ah | Feminine Noun]
Uskag iyo wasakh la'aan. ld nadaafad.
qandho-baaratifo
[Magac Dheddig ah | Feminine Noun]
(daaw.) Cudur la isqaadsiiyo oo uu keeno baktiiriyada salmonella baaratiifay: (A, B, iyo C). Baktiiriyada waxay ku badantahay saxarada bukaannada cudurkaas qaba iyo kuwa cudur sidayaasha ah oo aan bukin - wuxuuna cudurkaasu dillaaca markii nadaafad xuma u badato ama si aan fayodhowr lahayn oo cunno loo aqoolo. Kalhuuriska oo ah 1-10 maalmood, ka dib astaamo ay ka mid yihiin; shuban, qandho ladifan iyo firiiric ka soo baxa laabta, ayaa bilowda waxayna socdaan muddo toddobaad ah.