qarsoon
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-oomay, -oontay; -oomi)

Wax muuqaalkoodu libdhay noqosho.

qarsoon
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-naa, -nayd)

Wax muuqaalkoodu libdhay ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qarsoon

caadyaal [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
C. ah: wax aan qarsoonay oo si bayaan ah u muuqda. ld caadiyaal. caadiyaal

naakuuso [m.dh]
Xog yar oo laga helo arrin qarsoon.

af [m.l]
(afaf, m.l) 1. (nax.) Hadal ay bulsho u adeegsato sidii ay isku wargaarsiin lahayd, luqad. 2. A. guud: af ka dhexeeya ummad isku qaran ah, waxaana loo adeegsadaa siiba xagga warbaahinta iyo waxbarashada; a. qoraal: qaab afeedka la adeegsado marka wax la qorayo, kaasoo u dhow ama la xariira qaabka suugaanta, sidaa daraaddeed wuu ka adagyahay, siiba xagga weereynta, qaabka afka ee tiraab ahaan loo adeegsado; a. tirabeed: qaab afeedka la adeegsado marka si caadi ah loo hadlayo; a. maldahan: hadal daboolan oo duluc ama ujeeddo kale ay ku dhex qarsoontahay; wuxuuna xallad u yeela siiba hadalka suugaanta.

afmaldah [m.l]
Hadal daboolan oo duluc ama ujeeddo kale ku dhex qarsoontahay.

ayaan [m.l]
Awood qarsoon oo qofka la socota dhalashada ilaa dhimashada qofka, sababna u noqota xumo iyo samo waxa uu la kulmayo; nasiib; hoodo.

baar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Wax qarsoon raadin. 2. Wax la qaadan waayay noqosho (badeeco). Tus. “Hilibkii wuu baarey”.

baaritaan [m.l]
1. Raadinta wax qarsoon. 2. Suuq waayidda badeeco ganac loo soo bandhigay. ld baarid².

baaro [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-rtay, -ratay)
Wax qarsoon, raadin.

barqorraxeed [m.l] (-dyo, m.dh)
(c.fal.) Bar qorraxda dusheeda ah, marmarka qaarkoodna waxa laga arki karaa lakab daruureed khafiif ah ama muraayad madow isha qaawan. Bilowgeedu wuu qarsoonyahay, laakiin waxa la rumaysanyahay inuu ka koobanyahay neefo ku meersan gibilka qorraxda.

burhaan [m.dh]
(dii.) Awood qarsoon, dhib iyo dheefba leh oo la rumaysan yahay in dad gaar ah Eebbe siiyo.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg