Qayaxan

Qaabnaxa: Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1 Isrogrogga: (-xmay, -xantay)

1. Geed wax diirkii ka qaadmay noqosho. 2. Laf wax hilibkii ka dhamaaday noqosho. 3. Hadal iwm wax si wanaagsan loo sheegay noqosho.

Qayaxan

Qaabnaxa: Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4 Isrogrogga: (-xnaa, -xnayd)

1. Wax diirka sare laga qaaday ahaansho. 2. Laf, wax hilibkii laga guray ahaansho. 3. Hadal iwm wax si wanaagsan loo sheegay ahaansho.

Erey(o) la macne ah ama xiriir la leh ereyga qayaxan

gacansayr | qayaxmid | qayaxnaan |
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg