reebban
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-naa, -nayd)

Fal samayntiisa la xaaraantinnimeeyey ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh reebban

guntin-dareen [m.dh] (-no ..., m.dh)
(c.nafl.) Nud dareenwade isku cufan oo ka kooban unugyo jidh iyo xidhiidhiyo dareen wade oo had iyo jeer ku xidhan kiish ka samaysan nudo isku xidhayaal. Lafdhabarleyda badankeeda guntinta dareenwade waxa laga helaa dibadda habdhiska darenwadka dhexe. Waxa ka reebban guntin dareenwadaha salka ah ee maskaxda.

reebbanaan [m.f.dh]
eeg reebban. ld reebbanaansho.

reebbanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld reebbanaan.

ruqso [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Idan; fasax. 2. Shaqo ka fariisin qof hawshii uu hayey laga fariisiyo. 3. Warqad ay ku qorantahay oggolaasho wax reebban. ld ruqsad.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg