reen
(m.l)1. Cod ay samayso hal dhashay marka ay ilmaheeda nuujin la rabto; dunuunuc. 2. Cod ka soo baxa qof sad u buka; jibaad; taah; talal. 3. Dhawaaq weyn oo libaaxu sameeyo. ld riin¹.
reen
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-eemay, -eentay; -eemi)Hal dhashay, qof buka, libaax iwm reen samayn. ld riin².
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh reen ↴
kaadimareen [m.l] (-no, m.dh)
Dhuunta kaadidu marto.
kaadimareen [m.l] (-no, m.dh)
(c.nafl.) Tuyuub laga helo naasleyda, kaas oo ka soo qaada kaadida kaadihaysta oo bannaanka uga saara jidhka. Ragga, kaadi mareenku wuxuu dhex maraa guska, waxaana uu ku dhex xidhan yahay xawo mareenka, sidaa darteed waxa kale oo uu u shaqeeyaa marin xawaduna marto.
oofwareen [m.l] (-nno, m.dh)
Cudur qufac iyo xummad leh oo saableyda dadka ku dhaca.
unug-dareen-dhaqaaq [m.l] (-gyo ..., m.dh)
(c.nafl.) Unug ama organ soo saara jawaab fisiyoolojyiyeed marka uu nashaad iyo guyo dareen wade. Tus. “Muruqyada iyo qanjidhada”.
unug-dareen-wade [m.l] (-dayaal, m.l/dh)
(c.nafl.) Unug dheeraaday oo faracyo leh, kaasi oo ah halbeegga aasaaska u ah urur shaqaale habdhiska dareenwadka, gaarna u ah gudbinta gujooyinka.
xameyti-mareen [m.l] (-nno, m.dh)
(c.nafl.) Dhuumaha xameytida ka soo qaada beerka.
badmareen [m.l]
ld badmar.
bakhtiwareen [m.l]
ld baqtiwareen¹.
bakhtiwareen [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-eemay, -eentay; -eemi)
ld baqtiwareen².
baqtiwareen [m.l]
ld baqtiwareeid.