riir
(m.l)

1. Googo'laga jaro weel, maro si afkeedu u sinnaado. 2. Cayil ay keento dhalid la'aantu.

riir
(m.dh)

ld riiq².

riir
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-ray, -rtay)

Weel, maro iwm afkooda wax ka jarjarid si uu u sinnaado.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh riir

anfariir [m.l]
1. Dareen kulminaya yaab weyn iyo cabsi; argaggax. 2. ld anfariirid.

anfariir [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Yaab weyn iyo cabsi dareemid.

anfariiri [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Cid anfariir ku ridid.

anfariirid [m.f.dh]
eeg anfariir². ld anfariir¹.

anfariirin [m.f.dh]
eeg anfariiri.

anfariirsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax anfariir hayo ahaansho. ld hanfariirsan.

anfariirsanaan [m.f.dh]
eeg anfariirsan. ld anfariirsanaansho.

anfariirsanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld anfariirsanaan.

bariir [m.dh]
ld biriir.

biciriir [m.l]
Eegitaan aan indhaha dhab loo kala qaadin iyadoo muruqyadooda la adkaynayo kolka aragtidoodu yartahay ama if xoog badani ka hor yimaado.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg