riixid
(m.f.dh)eeg riix². ld riixis.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh riixid ↴
baari [Fal Gudbe1/2 | Verb Transitive1/2] (-iyay, -iday/-isay; -iyi)
1. Xoog ku riixid; qof wax ku adkayn; culays saarid. 2. Badeeco beec ka xayirid. 3. Ku b.: wax la naadinaayay qofka qiimaha ugu sarreeya gaara ka iibin.
garbi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Cid, garab ku riixid. 2. Wax, garab ku qaadi.
harbi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax biyo ku dhex jira horay u riixid.
magmag [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
Ku m.: wax meel daloosha oo ciriiri ah ku riixid.
magmakee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-keeyay, -kaysay)
Ku m.: wax meel daloosha oo ciriiri ah si xoog leh ugu riixid.
maquuri [Fal Labagudbe2 | Verb Bitransitive2] (-iyay, -isay)
Cid biyo hoos ugu riixid. ld makhuuri, mukhuuri, muquuri.
riddaami [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax culus hore u riixid.
riixdin [m.dh]
1. ld riix¹. 2. Riixidda wax meeshii uu ku sugnaa laga dhaqaajiyo. ld riixtin.
riixis [m.dh]
ld riixid.