Safan

Qaabnaxa: Magac Lab ah | Masculine Noun Isrogrogga:

Dildillaac dadka kaga dhaca cagaha oo qabowga iyo kulaylku keenaan. ld hilibsafan.


Safan

Qaabnaxa: Magac Dheddig ah | Feminine Noun Isrogrogga:

(c.nafl.) Nafley badda ku jirta oo jirkeedu ka koobanyahay labo baal oo balballaaran madax yar iyo dabo sida xarigga u dhuuban oo qodxo ku tagtaaganyihiin, waxayna u egtahay sammiir yar.


Safan

Qaabnaxa: Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4 Isrogrogga: (-fnaa, -fnayd)

Wax si saf ah u taagan ahaansho.


Erey(o) la macne ah ama xiriir la leh ereyga safan

dabacadde | dheecaan-gaastarig | dhuux | hilibsafan | hore | jeegaan | rigaysan | safnaan | winiin |
ld = la-mid / variant
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg