taar
(m.l) (-rar, m.l)

1. War farriin kooban oo nooc raadiyeyaasha ka mid ah lagu diro. 2. Silig wax lagu oodo. 3. (muus.) Daf afar geesle ah.

taar
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-ray, -rtay)

Rati raran oo taagan wax saarid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh taar

ubaxdhig [m.l]
Dhigidda la dhigo meelo taariikhi ah ubax.

jaahiliyad [m.dh]
1. Ku dhaqmid la'aanta diinta islaamka. 2. Xilliga Islaamka ka hore ee taariikhda carabta.

maajo [m.dh]
Bisha shanaad ee taariikhda miilaadiga ah.

raadreebid [m.dh]
Waxyaabaha loo keydiyo taariikh ahaan.

taallo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Dhis ama wax korka la iska saarsaaray oo kor loo dheereeyey. 2. Dhis lagu muuneeyo oo lagu xusuusto wax dhacay oo taariikh leh, ama qof, wax weyn oo waxtar ah, oo aan la illawi karin, dadkiisa ama dalkiisa u sameeyey. Tus. “T. xusuuseed”.

taarad [m.l]
ld taarasho.

taaran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
Alaab wax la saaray ahaansho.

taarash [m.l]
1. Qof meel loo diro oo dhanbaaal ama farriin sida; dhanbaalwade. 2. ld tarash. Daliig dharka la huwado ama la guntado dacalkiisa lagu qurxiyo oo marada iyo faraqa u dhexaysa; xiddo.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg