Tee

Qaabnaxa: mu.we.dh Isrogrogga:

(kuwee, w) Magacuyaal weyddiimeed oo dhaddig, oo iskii u taagan, oo wax ama qof lagu hubsado. tus. “Waa tee midda hadlaysa imminka?”.


Tee

Qaabnaxa: dk.we.dh Isrogrogga: (-tee)

Dibkabe weyddiimeed oo dheddig, oo wax ama qof lagu hubsado. Tus. “Fartee baa kula qurxoon?”.


Erey(o) la macne ah ama xiriir la leh ereyga tee

ha'ahaatee | jaalabutee | saalaxweetee | taageer | taageere | taageerid | tabaaqil | uubatee | uumitee | xadatee |
ld = la-mid / variant
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg