wareegto
(m.dh) (-ooyin, m.l)Warqad arrin gaar ah ka hadlaysa, gaarta meelo badan oo la rabo in si degdeg ah loo fuliyo.
wareegto
(m.dh)Ciyaar ragga u gaar ah oo laga yaqaan Shabellada Dhexe iyo Shabellada Hoose, asalkeeda horana ciyaar dagaal ayay ahayd.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh wareegto ↴
faafin [m.dh]
Faafin rasmi ah: wareegto rasmi ah
dabaakh [m.l]
Tartamidda cayaar turub oo labada dhinac oo iska soo horjeedaa ay u tartamaan foorooyin ay kala qabaan, inay qolo kaliya ku wareegto. ld dabaaq¹, dibaakh¹.
meerto [m.dh] (-ooyin, ml.)
1. Si wareegto ah oo wax loo qaybsado; kaltan; miilo. 2. Meermeerto; mid². 3. M. ah: geel karreeb ah. 4. Marti muddo gaaban joogto.
sidig [m.dh]
(fiis.) Laba xoog oo isle'eg, isku lid ah, barbaro ah, si wadajir ahna u saaran walax. Xoogaggaasi waxa ay sababaan in ay walaxdu ku wareegto dhidib dhexaad-keeda.
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg