waxqabad
(m.l)Karti wax lagu fuliyo. ld waxqabasho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh waxqabad ↴
dibuquudsi [m.l]
Isticmalka iyo ka faa'iideysiga qayb ka mid ah maxsuulka qalab amar-dooriye ah si caynaanka loogu hayo kartida waxqabadkiisa. Waxa ay saamaysaa jabaq-kordhiyeyaalka.
ficil [m.l]
1. ld ficilo. Dareen cid loogu hiillinayo. 2. (afcaal, m.dh/facaayil, m.l) Waxqabad.
gudo-unug [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
(baay.) Unugga dhexdiisa, tusaale ahaan: waxqabadka insaymada badankoodu waxay ka dhacaan unugyada dhexdooda.
habbiso [m.dh]
Culays mar mar dadka fuula oo fahmada iyo waxqabadka ka qaada.
lifaaq [m.l] (-qyo, m.dh)
(nax.) Qurub lagu kaabo erey salkiisa, si uu u beddelo qiimaha iyo waxqabadka ereygaas; lifaaqyadu waxay u kala baxaan: “horkabe” (ereyga hortiisa ayuu ku lifaaqmaa), “dibkabe” (ereyga dhammaadkiisa) iyo “dhexkabe” (ereyga dhexdiisa).
maskaxyaro [m.dh]
(c.nafl.) Qaybta maskaxda lafdhabarleyda ee khusaysa xidhiidhinta iyo joogtaynta waxqabadka muruqyada, waxaanay sugtaa baaxadda muruqa iyo dheellitirkiisa. Maskaxyarada naasleydu waxay ka koobantahay laba gibil oo isku xidhan, kaas oo ka samaysan maatar cad oo wareegsan iyo lakab sare oo aad u laalaaban.
meesiyeyn [m.dh]
(baay.) Isbedellada koritaanka nudaha ee ka bilaabma sahlanaan ilaa uu ka noqdo dhisme kakan, kaas oo khaas u ah shaqooyin gaar ah. Meesiyeyntu waxay dhacdaa xilliga koritaanka uurjiifka, dib isu kabid, iyo dhinaca dhirtana waxqabad caydineed.
muruq sisiban [m.l] (-no, m.dh)
(c.nafl.) Muruq waxqabadkiisa aan la xukumi karin, xukunkiisu waxa uu hoos yimaadaa habdhiska dareenwadka dhexe. Muruq iraadla'oo ka kooban unugyo dhaadheer oo qaab toobin oo kale ah oo aan miiqnayn. Unugyadaas waxa loo helaa keli keli, kooxo ama waxay ku fidsanyihiin maqaarka, waxay ku wareegsanyihiin gummudka timaha, waxa kale oo laga helaa marinka dheefshiidka, marinka hawada, marin kaadi taranka iyo habdhiska wareegga dhiigga.
nebi-ammaan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-nay, -ntay)
(dii.) Suugaan ama qasiido ku tirin wanaagga iyo waxqabadka nebi.
qanjidh-marinla' [m.l]
(c.nafl.) Qanjidh kasta oo xayawaanka laga helo, kaas oo soo saara horomoonno, si toos ahna ugu dhiijiya qulqulka dhiigga, si ay shaqo uga qabtaan meelo kala durugsan oo jidhka ka mid ah qanjidhada marinkala'waxay xukumaan waxqabadyada qunyar socodka ah ee waqti dheer qaata ee jidhka, sida koritaanka qofka iyo korriinka sinjiyeed.