xashin
(m.dh) (-imo, m.l)

Maqaar harag ari oo laysku tolay ka samaysan oo lagu kaydiyo abuurka birqalaxda iwm.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xashin

adab [m.dh] (-byo, m.l)
1. Qalab u gaar ah aqal Soomaaliga oo wax lagu rito sida qufadda, xashinta iwm. 2. Kolay yar oo ka samaysan harag ama mayrax oo ay haweenku wax ku gurtaan.

qolqol [m.l] (-llo, m.dh)
1. Maro lagu kala qoqobo aqal gudahiisa; daah. 2. Aqal la kala qoqobay intiisa qarsoon. 3. Maqaar weyn oo tolan oo hilibka iwm lagu qaato; xashin. 4. Dillaacinta nirgo naaska hooyadood laga goynayo carrabka laga dillaaciyo. 5. Oodda sarsarka kore iyo xerada xoolaha meel u dhexeysa oo awrtu fariisato.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg