xeelad
(m.dh)

ld xeel.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xeelad

laablaabo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-btay, -batay)
1. Wax isku dubbaridasho. 2. Wax xeeladayn. 3. Wax ka warwareegid. ld laallaabo.

tab [m.dh] (-bo, m.l)
1. Xeelad wax lagu qabto. 2. Hab; nidaam; qaab. 3. Caano lo'aad oo caloosha ku adkaada oo aan si fiican loo matagi karin.

tabee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-beeyay, -baysay)
Wax xeeladayn.

aqoon farsamo [m.dh]
1. (qaan.) Ficil ama xaalad sharciyeesan uu sharcigu oggolaaday ama ansixiyey. 2. Hab aqooneed, ama xeelad wax lagu sameeyo hawl, farsamo, gaar ahaan dhinaca cilmiga ama farsamada.

basar [m.l]
1. Hab iyo hannaan qof bulsho uu la noolyahay ula dhaqmo. 2. Tab iyo xeelad qof adeegsado si uu arrin ugu xalliyo. 3. ld basrid.

basar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-sray, -sartay; -sri)
Wax si tab iyo xeelad leh u xallin.

basari [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Qof si tab iyo xeelad leh u qancin.

basarlow [m.l] (-wyo, m.dh)
Qof caqli badan oo arrimaha si tab iyo xeelad ku jirto u xalliya.

baxri [m.dh]
1. Dad doonyada ka shaqeeya oo tabta iyo xeeladaha badda yaqaan. 2. Dabayl dhanka badda ka timaadda.

betrooliyam [m.l]
(kiim.) Iskujir haydarookaarboonno ah oo asal ahaan ka samaysmay xayawaanka iyo dhirta badaha, lagana helo ubucda dhulka iyaga oo jiifa (ku xanniban) lakabyo dhagax ah dhexdood. Waxa lagu soo saaraa xeeladda riigga (waxa kale oo lagu magacaabaa saliid cayriin). Qaybta ugu muhiimsani waa: naaftada (saliid neefeed), gaaska (baarafiin) iyo bensiinka oo loo adeegsado shidaal matoor ahaan (betrool).

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg