Xuub-wadne

Qaabnaxa: m.l Isrogrogga: (-bab ..., m.l)

(c.nafl.) Xuubka ku daboolan wadnaha oo laba qaybood leh; qayb dibadeed oo dhammaan wadnaha daboola wuxuuna ku dhaggan-yahay xididdada dhiigga ee waaweyn oo wadnaha ka baxa ama soo gala; qaybta gudaha qoyaan leh waa kiish xiran: waji toos ugu dhaggan muruqa wadnaha; iyo waji xiga qayb dibadeedka xuubka; riisheka dhexdiisa waxaa ku jira qaddar yar oo dhacaan ah oo ka ilaaliya isxoqidda labada qaybood ee xuubka marka wadnahu garaacayo.

Erey(o) la macne ah ama xiriir la leh ereyga xuub-wadne

holac-xuub-wadneed | xuub-wadneed |
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg