Gabay: Quus

Quus waa gabay duco iyo sagootis iskugu jira oo Marxuum Xasan Sh. Muumin munaasibada Aaskiisa ku beegan Jan-26-2008 : kana hadlaya qiimaha uu Abwaanku umada soomaaliyeed ku dhex lahaa iyo sida loogu boholyoobi doono suugaantiisii qaniga ahayd.
Wuxu yidhi;

Qabribaa la geeyey naftii, qaadan laadahaye
Qalinbaa murtida sii qorqori, amase sii qeexi
Ama qalad’la’aan loo qorshayn, oo lawada quudi

Ama qoran haween qiimaheed ,qadaf la’aan sheegi
Ama qaranka soomaaliyeed, calanka loo qaadi
Ama diinta qiimaha lihiyo, qaayo lagu sheegi

Ama dibida beeraha qodiyo, qoodi lagu beeri
Ama qaylo dhaantiyo ergadu, erayo sii qaybi
Ama qaaci cuudkiyo la tumi heelo qalabaysan

Ama qiiro taariikh la qoray, ubadka loo sheegi
Ama hooyo qaydkii ilmaha, dhinicu qaylaamey
Hal-abuur qiyaastii u tumi, qaafadiyo luuqda
Nimaan quus ahayn baa sugiyo, qaafiloo kale e
Qudha laguma waaree qabriga ,nuur hakuu galo e (Amiin

Sida geed quwaaxoo guntiyo, baarku qolafaystey
Qarnigii la joogaba ninbaa ,qaayo loo taga e
Maantana abwaan qiimaleh, ayaa qaw ka sii dhacaye
Qalalaase mooyee dadkii way qabdhamayaane
Qorshohoodiibaa lumay qorfaha waakuwaa galaye
Qaadanwaa ayaa nagu dhacay ,waa qisiyo yaabe
Qudha laguma waaree qabriga ,nuur hakuu galo e (Amiin

Suugaanta qaayaha lahayd ,ee la wada quudo
Murti qaniya qaamuus la qoray ,oo qam lagu siiyey
Qurubaa ka hadhay faaraxow ,sida qiyaastiiye
Qarkii kale qabuurbay gashiyo ,ciid qabow badane
Qaxii ugu darnaa baa ku dhacay, qoomamiyo hooge
Qudha laguma waaree qabriga ,nuur hakuu galo e (Amiin

Qanjiidhada intaa sii hadhaan ,qeexi tamartey e
Qaynuunka suugaanta iyo, qalinka loo qaato
Deelqaafka sugaan gashaa ,qiimaheed dhacaye
Qushigeeda baa dilay ,murtidii qarada weynayde
Qudha laguma waaree qabriga ,nuur hakuu galo e (Amiin

Iga qabo markay gaadhay ee, heeso lagu qaaday
Ee qoobciyaar ay gashaan ,quustey caliyowe
Ragii sida quraan ruugi jiray ,way qawadayaane
Qudha laguma waaree qabriga ,nuur hakuu galo e (Amiin

Qamarkeedii wuu fuuraraa ,oo qalwuu galaye
Hayeeshee wixii kaa qaldamay ,waa la qariyaaye
Ninka gabayga qooqiisu helay, aanse qalad eegin
Qarnigani aan joogniyo wakhtigu ,haw qaw tiriyeene
Maxay qaylo dhaantari qabriga, qawlad lagu oodye
Qudha laguma waaree qabriga ,nuur hakuu galo e (Amiin

Inkastuu dadwada qayliyey, qaaradaha joogi
Qaxwahaagu goortii uu go’o ,qaadirkaa garane
Qudha laguma waaree qabriga ,nuur hakuu galo e (Amiin)

Qawlkii Alleen kuu akhriyey ,qooqarkiyo qoortu
Wali way qadhqadhayaan sidaan, qoyey cir,roobaade
Qadaadkay maroorsamay qalbigu qawshaduu wadaye
Qudha laguma waaree qabriga ,nuur hakuu galo e (Amiin

Qoyskii intii kaa hadhiyo, anigan quus jooga
Qaraabada wixii sheegta iyo, ruux qareen socoda
Iyo qowmka soo wada kacee, qaaradaha jooga
Qudradiisa Eebaa hayoon, cidi ku qoolayne
Inuu qayb janada kaa dejay ,quudarayn waliye
Qudha laguma waaree qabriga ,nuur hakuu galo e (Amiin

Anaguna qaneecaad Alliyo, samirka qaybtiisa
Inuu quud Ilaah nooga dhigo ,quusashaa tidhiye
Qormadii farshaxankiyo hidaha, qarada loo yeelay
Ee qaadir uu kugu galaday ,way qalootamiye
Qanci maayo bay tidhi walee ,quusna kaba dheere
Sideen ugu qarsheegaa ,taladan qaadi kariwaaye???
Qudha laguma waaree qabriga ,nuur hakuu galo e (Amiin

Dugsiyada quraankiyo cilmiga,qowlka laga doonto
Sheekooyinkaagi qudhii baratey waw quuse
Dhalaankii qisay raadiyaan qaranjab weeyaane
Qudha laguma waaree qabriga ,nuur hakuu galo e (Amiin

Ninjacaly la qoolaabay wuxuu ,qariyey soo tuurye
Qufac iyo jacayl lama qarshoo, qayrkibuu helaye
Markuu qalanjadii uu jeclaa ,qiro wanaageeda
Isha qalacsigeediyo ,markuu quudo arageeda
Waa inuu qufaa hadalka, uu qabax ka siiyaaye
Waa inuu qaraamida yidhaa erayo qaarkoode
Sida qaanso robeed haduu ,qorin amaanteeda
Qushuuc waa ka xaraan inuu, qadaw la aadaaye
Isagana qaleelbaa ku dhacay, wuu qandhanayaaye
Qudha laguma waaree qabriga ,nuur hakuu galo e (Amiin

Qarankani gumaysigu qoqobay ,ee midiba qaw joogo
Anoon qolana sheegayn hadana qawdu wada gaadhay
Ee magaca qaarkii ka tagay qaybta yari raacday
Iyo kuwa ragii qiilka waday ,qoorta laga gooyey
Haween qaawisbaa dhacay axmaar qooqaybaa yimide
Qadoodiga dhalaankii qabriga ,lala duljoogaaye
Intii kale qaxootey tageen ,qawlad lagu oodye
Qudha laguma waaree qabriga ,nuur hakuu galo e (Amiin
Qoyskii intii kaa hadhiyo, anigan quus jooga
Qaraabada wixii sheegta iyo, ruux qareen socoda
Iyo qowmka soo wada kacee, qaaradaha jooga
Qudradiisa Eebaa hayoon, cidi ku qoolayne
Inuu qayb janada kaa dejay ,quudarayn waliye
Qudha laguma waaree qabriga ,nuur hakuu galo e (Amiin

Abwaan: Mohamoud Abdilahi Roble
saylacnews@yahoo.com

Leave a Reply