haruur
(m.l)

Nooc dalagga la beerto ka mid ah, la cuno, oo leh bal, sabuul, iyo miro yar-yar.

haruur
(m.dh)

Bari idaad oo subaggii la shiilay; shariir; shaxaroor.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh haruur

dhil [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ilay, -ishay)
1. Qolofta kore ka qaadid (miro iwm). 2. Diriqa ka bixin (caw, xaskul iwm). 3. Luumo (galley, haruur iwm) oo isku meel ka baxay qaarkood siibid. 4. Timo qurxiin.

dhilan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-lmay, -lantay; -lmi)
1. Miro qoloftii iyo diirkii laga qaaday noqosho. 2. Diriqii laga bixiyey noqosho (caw, xaskul iwm). 3. Timo la qurxiyey noqosho. 4. Luumo galley, haruur iwm wax la siibay noqosho si aanay isu gubin.

dhilan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-lnaa, -lnayd)
1. Miro qoloftii iyo diirkii laga qaaday ahaansho. 2. Diriqii laga bixiyey ahaansho (caw, xaskul iwm). 3. Timo la qurxiyey ahaansho. 4. Luumo galley, haruur iwm wax la siibay ahaansho si aanay isu gubin.

sharuur [m.l]
Iniino bun oo subag ama saliid lagu dubo oo korka la marsado lana cuno.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg