Maxaad ka taqaan erayadda badan ee isku macnaha ah?

questionMaadaama af-soomaaligu, qoraal ahaan, aanu weli si fiican u wada midoobin, waxaa ku badan ereyo isku mid ah, laakiin soomaalida ku kala nool gobollada qaarkood ay ugu dhawaaqaan amaba u qoraan siyaabo yara kal duwan. Haddaba si aan cidna loogu eexanin waxaan isku daynay inaan ku qorno qaamuuska kuwa adeegsigooda aadka ugu badanyihiin, sida kuwa soo socda oo laba qaab loo adeegsado:

  • tabar = tamar
  • baratami = bedertami
  • quraanyo = quraanjo
  • tallaabo = tillaabo
  • dhifasho = dhufasho
  • dhacaan = dheecaan
  • necbaan = nebcaan
  • ningax = lingax
  • siyaaso = siyaasad
  • dayuuro = diyaarad
  • iwm

 

Leave a Reply