dalambaabbin ld dalambaabbiyid.
dalambaabbiyid eeg dalambaabbi. ld dalambaabbi¹ (2), dalambaabbin.
dalan Wax asqo hayso noqosho.
dalandal (1) 1. D. ah: ilmo socod barad. 2. ld dalandalid.
dalandal (2) Ilmo, socod barasho.
dalandalid eeg dalandal². ld dalandal¹ (2).
dalandool (1) 1. Socod noqnoqosho leh oo laba meel oo kala fog la isaga goosho. 2. ld dalandoolid.
dalandool (2) Socod noqnoqosho leh laba meel oo kala fog isaga gooshid.
dalandoolid eeg dalandool². ld dalandool¹ (2).
dalandoolli Cayayaan caanallusha la eg isku bahna yihiin oo hargaha iyo lafahaba xagata. ld dalandoolyo.
dalandoolyo ld dalandoolli.
dalankac (1) 1. Masiibo. 2. ld dalankicid.
dalankac (2) Masiibo la kulmid.
dalankacayn eeg dalankacee.
dalankacee Si celcelis ah u turanturrood.
dalankacid eeg dalankac². ld dalankac¹ (2).
dalankicid eeg dalankac². ld dalankac¹ (2).
dalaq Cod tilmaama socod kedis ah.
dalaqoon Dalyaqaan.
dalaw (1) 1. ld dalow 1 (3). Baaldi. 2. ld dalaaw¹.
dalaw (2) ld dalaaw².
dalawi D. ah: neef geel ah oo caana badan; madi.
dalayn eeg dalee.
dalbajuuco Dalab weyn.
dalballaarsi ld dhulballaarsi.
dalbasho eeg dalbo.
dalbid eeg dalab³.
dalbo (1) eeg dalab².
dalbo (2) 1. Dalab sameyn (qof). 2. Ciidan amar siin. 3. Isu baaqid (turub).
dalboole Qof dalbo leh.
<< < 30 31 32 33 34 35 36 37 38 39 40 > >>